Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada DF oo war xasaasi ah kasoo saaray xadgudubkii ITOOBIYA

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-wasiirada-2024.jpg?fit=2048%2C136

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza, ayada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xadgudubkii dowladda Itoobiya ee is afgarad ku sheeggii ay kowdii bishan Somaliland kula galeen magaalada caasimada ee Addis Ababa.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin guud ka bixiyay shirka golaha wasiirada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si gaar ah looga hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

“Waxaa si gaar ah oo uu goluhu uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee is-afgarad ku sheegii bishaan kowdeedii la sheegay inuu dhex-maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee gobollada waqooyi ee JFS” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Farxan Jimcaale ayaa xusay in golaha wasiiradu ay boggaadiyeen sida ay shacabka Soomaaliyeed ay ku diideen heshiiskaas, ugana falceliyeen xadgudubka Itoobiya.

“Goluhu wuxuu boggaaadiyay sida geesinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed ay uga dhiidhiyeen dal iyo dibad-ba oo ay uga soo horjeesteen damaca gurracan ee dowladda Itoobiya, isla markaana ay ku muujiyeen shucuurtooda waddaninimo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goluhu soo dhaweeyay go’aannada iyo mowqifka cad ee ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiska badda ee Addis Ababa.

Wuxuu sidoo kale golaha soo dhoweeyay go’aamada iyo mowqifyada adag ee ay dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga ah ay ka istaageen gar-darrada qaawan ee Itoobiya ay kusoo qaaday madax bannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri.

Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa maanta kulankooda ku meel-mariyay dhowr heshiis oo kala ah heshiiska ku biirista aagga dhaqaalaha bariga Afrika, heshiiska is-afgaradka difaaca ciidamada Cirka ee Soomaaliya iyo Uganda iyo heshiiska QM la dagaallanka dambiyad abaabulan ee isaga gudbo Qaramada.

Waxaa sidoo kale golaha wasiiradu ay ansixiyeen hindise sharciyeedyada maareynta musiibooyinka iyo waxyaabaha qarxa, hindise sharciyeedka macaamilka danabeysan, xeer nidaamiyaha sharciga socdaalka & sharciga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

The post Golaha Wasiirada DF oo war xasaasi ah kasoo saaray xadgudubkii ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this