Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo si aan la fileyn uga hadlay heshiiskii Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   
Moussa-Faki-1-scaled.jpg?fit=2560%2C1871

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhaca bariga Afrika.

Midowga Afrika oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si aan la fileyn uga falceliyay arrintan, gaar ahaan heshiiska muranka dhaliyay ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ururka marnaba sooma hadal qaadin xadgudub loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraalkan ku saxiixnaa ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

Moussa Faki ayaa labada dal ugu baaqay inay deganaasho muujiyaan, si loo qaboojiyo xiisadda haatan ka dhex aloolsan labada dowladood oo daris ah.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Sidoo kale wuxuu  ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu ka leex-leexday inuu carabka ku dhufto xad-gudubka Itoobiya, isaga oo taas beddalkeeda si wadajir ah labada dal u xasuusiyay in la ixtiraamo madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan dowladaha federaalka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Faki ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada, si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda, ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha waxaa sidoo kale labada dhinacba looga dalbaday inay bilaabaan wada-hadallo deg-deg ah, si xal looga gaaro xiisadda soo cusboonaatay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisaddda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

416006940_841990787967529_25134341426265 416022921_841990811300860_54802287844389

The post Midowga Afrika oo si aan la fileyn uga hadlay heshiiskii Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this