Deeq A. Posted January 4, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabada ay qaadeen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo habeen hore shir deg-deg ah oo aaladda Zoom-ka ah yeeshay, kadinb heshiiskii badda ee ay Addis Ababa ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ugu horreyn golaha ayaa kasoo horjeestay heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay inuu xadgudub ku yahay Soomaaliya, maadaama qayb kamid ah baddeeda ka siiyay dowladda Itoobiya. Golaha ayaa sidoo kale taageeray qaraarka xukuumadda Soomaaliya iyo xeerka baarlamaanka ee ku aadan heshiiskaas ee soo baxay. Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan reer Somaliland ugu baaqay inay midoobaan, kana soo horjeestaan heshiiska Addis Ababa. Waxaa kale oo uu goluhu farriin u diray QM, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka waxayna ka dalbadeen inay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobanimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada culus ee Golaha Wadatashiga Qaranka? Axmed Naaji Cabdalle ayaa yiri “Tilaabo kale oo bogaadin mudan, madaxwayne garabkaaga ayaan nahay difaaca qaranka sii wad”. Muuse Cartan ayaa ku jawaabay “Madaxweyne macaaga ayaan nahay, madax banaanida qaranimada Soomaaliya waa lama taabtaan.”. Mahad Cabdulle ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Villa Somalia qodobada aad ku meyreysaneysaan naga daayee, go’aan aan baaq nabadeed ahayn oo ku dhisan diblomaasiyad luqad adag ku qoran soo saara fulintana ku dara”. Caa’isha Gabeyre oo kamid gabdhaha isticmaala baraha bulshada ee ka falceliyay arrintan ayaa tiri “Shaqo wacan mudane madaxweyne”. Zakariye Cali Dayib ayaa isna u mahadceliyay madaxweynaha wuxuuna yiri “Madaxweyne waan kuugu amaanaa xilka gaarka ah ee aad iska saartay arintaan xasaasiga ah“. Liibaan Cabdulqaadir wuxuu yiri “Soomaaliya gacan aamin ah ayay ku jirtaa. Guulaysta ayaa leenahay madaxdeena uu hormuudka u yahay Dr madaxweyne Xasan Sheekh”.The post Fal-celinta tallaabada culus ee Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites