Deeq A. Posted January 3, 2024 Qaahira (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay garab istaag weyn ugu muujisay dowladda federaalka Soomaaliya. Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Masar. Sidoo kale waxay tilmaamtay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda. Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saareen dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaasi oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka. Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah. Bayaanka Masar ayaa imanaya kadib markii uu xalay khadka telefoonka uu kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, dhiggiisa Cabdifataax Al-Siisi. Madaxweyne Xasan iyo Al-Siisi ayaa ku ballamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka. Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda dadaal xooggan ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.The post MASAR oo garab istaag weyn u muujisay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites