Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf Interview : + Minister Aydeed meets Official from Egypt

Recommended Posts

Madaxweynaha DFKMG ah oo ka hadlaya arrimo ay ka mid yihiin Sunta xeebaha, ciidamada shisheeye, Somaliland iyo xiriirka Maraykanka

 

SBC-29.May.2005 Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laabanayo gudaha dalka Soomaaliya isaga iyo xubnaha kale ee Dawlada.

C/laahi Yuusuf Axmed oo intii uu ku sugnaa magaalada London wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey wargeyska Asharqalawsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa waxa uu ka codsaday hogaamiyaasha carbeed in ay fuliyeen balanqaadyadii ay dowlada Soomaaliya ugu sameeyeen shirkii Al-Jaris kuwaasi oo ahaa inay garab istaagayaan Xukuumada, isla markaana ay Ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirayaan Soomaaliya.

 

Wargeyska Sharqalawsat oo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya waydiiyey xiliga Xukuumadiisa ay u soo guuri doonto gudaha wadanka ayuu wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Xukuumadu ugu guuri doonto gudaha wadanka “ waxaan ku noqon doonaa Nairobi marka baaritaanka Caafimaadku ii dhamaado, waxaana ku hakanayaa maalmo caasimada Kenya, ka dibna waxaan uga sii socdaali doonna wadankii, innagoo fulinayna go’aamadii Golaha Xukuumadu gaartey ee ahaa in dalka loo guuro†ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

“waxaan go’aansaney inaan dalka ku hogaamino meel amaan ah, geed hoostiisnna ha ahaatee, Waqtigan Xukuumadu waxay u guuri doonto Magaalooyinka Baydhabo oo caasimada u jirta 250Km iyo Jawhar oo 90Km u jirta Caasimada, Muqdishunna waa caasimadii Qaranka Soomaaliyeed, hase yeeshee amni xumaa ka jirta xiligan, sidaasi darteed goobaha aan soo sheegay ayaynu ku sii shaqeyn doonnaa†ayuu Mar kale ku yiri Wareysigiisa Madaxweynaah DFKMG.

 

C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sidoo kale wareysigiisa ku celiyey baahida loo qabo in Soomaaliya ay yimaadaan Ciidamo shisheeye oo isugu jira Carab iyo Afrikaan kuwaasi oo hubka ka dhiga Kooxaha Maleeshiyaadka ee hubeysan oo tiradooda uu ku tilmaamey 50 kun, waxaana sidoo kale uu daboolkaka qaadey in 2 milyan oo hubka noocyadiisa kala duwan ay ku kala firisan yihiin gudaha wadanka, wuxuuna ugu baaqey Wadamada Carabta inay Soomaaliya ka saacidaan hub ka dhigista Kooxaha Maleeshiyaadka.

 

“Dawladu waxay u baahan tahay Ciidan Qaran

Iskuma haleyn karto maleeshiyo beeleed, sidaasi darteed walaalaheen Carbeed waxaan uga baahanahay in ay nagu taageeraan sidii ciidamo ay inoogu soo diri lahaayeen, kuwaasi oo inaga caawiya mustaqbalka tababarka ciidanka Qaran, waxaana Ciidamadaas Carbeed u baahanahay mudo sanad ah, ka dib inaga ayaa kfilan amaanka Wadankeena oo gacanta ku dhigi karna†ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya oo wareysiga uu siiyey Wargeyska Al-Sharqalawsat si gaar ah codsi ugu direy wadamada Carabta.

 

Sidoo kale Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya wuxuu sheegay in wadamada Midowga Afrika ay ogolaadeen in ay Soomaaliya u soo diraan Ciidamo kuwaasi oo qarashka ku baxaya Ciidamadaasna ay bixin doonaan Midowga Yurub, halka dawladaha kale ee Carbeed uu ka codsadey in ay iyagu iska bixiyaan wixii qarash ah oo ciidamadooda ku baxaya, wuxuuna si gaar ah codsi ugu direy Wadamada Carabta inay kaalin mug leh ka qaataan dadaalka Nabadeed ee Soomaaliya dib loogu dhisayo.

 

Madaxweynaha oo wargeyska Al-Sharqalawsat wax ka waydiiyey hadalkii ka soo yeeray Abaanduulaha Ciidamada Suudaan Cabaas Carabi oo uu ku sheegayu in Suudana xiligan aysan diyaar u ahayn in Ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya ayuu wuxuu kaga jawaabey†Ma maqal warkaas, laakin waxa aan ogohay in Midoga Afrika go’aan ku qaatey in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin, Dalka Ugandha wuxuu diyaar u yahay in ciidamo u soo diro Soomaaliya, Madaxweynaha Suudan xili uu joogay wadanka Jabuuti wuxuu tibaaxey in ciidamadiisu ay diyaar u yihin sidii ay u tagi lahaayeen Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf Axmed oo la waydiiyey sida uu arko xaalada Jamhuuriyada la magac baxay Somaliland ayuu yiri†Marka Koonfurtu degto ayeynu isku dayi doono inaan wada xaajood la galno, kuna qancino sidii ay uga laaban lahaayeen gooni isu taagga, kana wada shaqeyno Midnimada dalka, taasi oo ku imaanaysa wadahadal, marnaba wax dagaal ah ama gacan ka hadal la geli mayno, waayo nidaamka aan qaadaney waa hab Federaal ah waxayna yeelan doonana Xukuumadooda hoose, Baarlamankooda, waxayna u madaxbanaan doonaan xalinta amuurahooda gaarka ah iyagoo ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya, Dastuurkeenu waa mid Dimuqraadi ah oo ogol nidaamka asxaabta badan kaasi oo damaanad qaadaya xoriyada, isla markaana dhawraya Xuquuqda Saxaafadda.

 

Wargeyska Alsharqalawsat wuxuu sidoo kale wax ka waydiiyey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Ciidamada Mareykanka ee fadhiya xeebaha Soomaaliya waxaana uu sheegay in ciidmaada Mareykanka Maraakiibtoodu dagaalku ay ku teedsan yihin xeebaha Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay inay mararka qaarkood ay u soo degaan xeebaha Soomaaliya iyagoo dadka waydiinaya Dad ay doonayaan balse wuxuu Madaxweynuhu meesha ka saarey inay u socdaan inay qabsadaan qaybo ka mid ah wadanka.

 

Madaxweynaha oo la waydiiyey socdaalkiisa Jabuuti in uu la xiriirey sidii xiriir iskaashi oo dhinaca la dagaalanka argagixisada uu dhexmari lahaa isaga iyo Ciidamada Mareykanka ayuu wuxuu kaga jawaabey inuusan jirin wax xiriir gaar ah noocuu doono ha ahaadee oo kala dhaxeeya Mareykanka, waxaana uu ku tilmaamey socdaalkii wadanka Jabuuti uu ku tagey in uu ahaa mid uu kaga qayb galayey caleemo saarka Madaxweynaah Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

 

Waxyaabaha kale ee wargeyska Alsharqalawsat uu wax ka waydiiyey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sunta iyo Qashinka Haraaga warshadaha Nukliyeerka ee lagu aasey meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu ka ogyahay in Hogaamiye Kooxeed ka qaatey 10 milyan oo doolar shirkad Ajanabi si Suntaas loogu aaso Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha waqooyiga Magaalada Muqdisho ayuu wuxuu kaga jawaabey†Waa jirtaa in sun lagu aasey Xeebaha Soomaaliya, xitaa xiligii Xukuumadii Siyaad Barre dagaalkii sokeeye ka hor sun ayaa lagu aasey xeebaha waxaana ugu daran xeebaha ku dhirarsan Gobolka Banaadir oo ay ku taal Caasimadu, arintaa nadiifinteeda iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaan la kaashan doonnaa Qaramada Midoobey, waxaana khatar ku jirta nolasha dadka,, waxaana talaabo laga qaadi doonaa Dadkii amuurahan ka dambeeyey marka Dalka Nabadgalyadisia la sugoâ€

 

 

Waxaa Isku soo duwey:

Agaasimaha

Eng.Mowliid Haji Abdi.

 

Isha Warka Wargeyska Al-Sharqal-awsat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Ceydiid oo kulamo la leh Ma’uuliyiinta dowladda Masar

 

Qaahira-29.May.2005 Raisalwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha Gudaha DFKMG ah ee Soomaaliya Eng.Xuseen Maxamed Ceydiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shaley galinkii dambe waxay gaareen magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar.

 

Xuseen Caydiid ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Masuuliyiinta wadanka Masaarida, waxaana hadal uu saxaafada siiyey uu ku sheegay in si weyn uu u xushmeynayo fukirada dowladda Masar ay ka aaminsan tahay arimaha Soomaaliya , waxa uuna sheegay in madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak uu ka rajeynayo in wax weyn uu ka qabto xaaladda Soomaaliya.

 

Eng. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa waxaa uu sheegay inuu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ,R a’isalwasaaraha dalka Masar Axmed Nadiif , Wasiiro iyo diblomaasiyiinta ku sugan magaalada Qaahira oo uu kala hadli doono sidii taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay u siin lahaayeen dowladda Soomaaliya.

 

Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Caydiid wuxuu farta ku fiiqay in dowladda Masar ay tahay Quwad carbeed oo laga doonayo in ay ka qeyb qaadato nabad ku soo dabaalida Soomaaliya

Eng.Xuseen Ceydiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la shaaciyay in shalay gelinkii danbe ay ka degeen gegida dayuuradaha magaalada Qaahira ee caasimadda Masar sida uu manta qoray wargeyska Al-Ahraam ee ka soo baxa dalkaasi.

 

Cali Cabdi Cali(Suxeyfa)

alisuheifa@hotmail.com

Muqdosho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

All this seems good but when is the government going to go back home.Haven't they done enough planning for 8 months. Baydhabo is still in the hands of the opposition, its meant to be the key city in the game.In general no tangible progress has been made.

 

I suppose it ain't over till its over.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Ra'isulwasaare Geedi: Madaxweynaha ma lahan awood uu ku iclaamsho xilliga la guurayo ,aniga ayaa madaxa sharci fulinta 'ninka la yiraa yusuf bari barina ma aqaan meel lagu magacaabay iyo cida uu u hadlo.

Ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi oo ku soo laabtay Magaaladda Nairobi ayaa isla markiiba la hadlay qaar ka tirsan xubnaha labada gole ee siyaasadiisa taageersan.

 

Cali Maxamed Geedi oo khudbad dheer u jeediyay Mas'uuliyiin gaaraya 52 ayaa si rasmi ah u ridiyay hadalkii uu BBC da siiyay Madaxweyne Cabdilahi Yusuf iyo mid kale oo "Afhayeen"bari bari siiyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

 

Ra'isulwasaare Geedi waxaa uu yiri Madaxweyne Cabdilahi yusuf malahan awood uu ku iclaamiyo xilligga la guurayo aniga ayaana ah madaxa hay'ada sharci fulinta sidaas darteed balanta waxay ku egtahay xilligga aan qabtay ee 28-ka bisha Wasiirkii aan u hogaansamina wuxuu ku weeynayaa xilkiisa ,waana inay raacaan diyaaradda ayuu yiri isagoo intaa sii raaciyay hadeey hada baydhabo tahay goob amaankeeda xun yahay waxaan tagi doonaa Jowhar ,wafdigii Xuseen Ceydiid madaxda u ahaana waa inay tagaan xamar oo aan iska meeyrnaa magaca dowlad dibad joog ah .

 

Ra'isulwasaare Geedi waxaa uu si ba'an u weeraray Yusuf bari bari waxaa uuna sheegay in mudadii uu socdaalka ku marayay Paris iyo Roma uu arkay wareeysi uu siiyay wakaaladaha qaar kuwaas oo uu ku sheegay in 28-ka bisha June guureeyso dowladda .

 

Cali Geedi wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuusan aqoon Yusuf bari bari cida uu u hadlo iyo halka lagu magacaabay marka laga reebo inuu yahay qaraabadda Madaxweyne Cabdilahi Yusuf sidaas darteedna ay nasiib daro tahay inuu beeniyo war uu isaga maalin cad sheegay ,sidaad ogtahiinba inta aanan ka bixin Nairobi ayaan xubnahina labada gole idinkuugu waramay qada sharaftii Safaripark waxaana idiin sheegay in la guurayo 28-ka bishaan marka waa la yaab in hadalkaas keeyga ah laga dhigo mid waxba kama jiraan ah oo nin iska sheeganayo Afhayeen uu warbaahinta siiyo,waxaana xukumadu la gudboon inay arrimaha nuucaas ah go'aan ka gaarto sababtoo ah Mas'uuliyiintii aan la kulmay dhamaan waxay na weeydiiyeen dowladiina intee afhayeen ayay leedahay 28-ka may ayaad sheegtay 28 June ayuu "afhayeen" bari bari sheegay .

 

Cali Maxamed Geedi wuxuu si cad shaaca uga qaaday in saakay ay bilaaban doonto dib u guurista xubnaha dowladda sidaas darteedna loo baahan yahay in dhamaan ay is liis gareeyaan isagoo ku hanjabay in cidii ka hortimaad uu xilka kaqaadi doono amar diidmo iyo hoowlgudasho la'aan.

 

Hadalkaan Geedi ayaa ku soo aaday xilli la isla dhexmarayo inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isagga iyo Madaxweyne Yusuf

 

Waagacusub News

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I don't think Yey would be happy what came from the mouth of Geedi, could this be another Shariifka Vs Yeey style?

 

or is this a

Puntland Media Vs Xamar Media ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xuseen Caydiidâ€Kooxaha Koofurta Soomaaliya hubka ma dhigayaan ilaa kuwa Puntland ay ogolaadaan inay hubkooda wareejiyaanâ€

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha koofurta soomaaliya hubkooda wareejin doonin ilaa buu yiri kooxaha Puntland hubka ay haystaan ka wareejiyaan, waxaana hubkaas lagu soo wareejinayaa buu yiri Dowladda federaalka soomaaliya.

 

Mr Caydiid wuxuu sheegay in mushkilad adag ka timid sida hubka loo dhigayo,wuxuuna sheegay in hubka si wada jir ah loo dhigi doona, cid gaar ah oo hubka laga dhigayo ma jiro ayuu yiri Xuseen Caydiid oo ka mid ah ragga hadda siyaasad ahaan taageersan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Xuseen Caydiid oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Sanca ee dalka Yamen ayaa warbixin guud waxaa uu u gudbiyay Ra’iisal Wasaaraha Yamen kadibna Ra’iisal Wasaaraha Yamen ku amray Wasiirka Arrimaha Gudaha Yamen inuu soo diyaariyo qaabka ugu haboon ee Yamen uga qeyb qaadanayso dhismaha dalka soomaaliya.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

geddi is damn right, im with him on this. c/yussef is starting to annoy me. kulaha one more month. what the hell is he up to?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^^Is that outburst one of your unusual moments of using reverse psychology on us? No one on SOL, not even Duke, admires Abdulahi Yusuf more then you. :rolleyes:

 

Though I do get the feeling Abdulahi Yusuf's supporters are getting increasingly fed up with his ineffectiveness. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

reverse psychology? it would be an understatement to say that your mental condition depends on somali politics. of all ppl, the one that still worships monkeyface s/barre baa iswaalwaalaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. Only counterflow got the thing in the right prospective. It is only a waagacsub.com fiction, the President did not ask for an extension, the relocation has begun as the PM intended... For example Jowhar is busy getting ready...

 

Jowhar: Diyaar garoowga soo dhawaynta xubnaha labada gole ee imaanaya Jowhar oo si xoog leh uga socota Jowhar

- Sunday, May 29, 2005 at 15:54

 

Jowhar(AllPuntland)-Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe waxaa ka soconaya diyaar garoow ballaaran oo loogu jiro soo dhawaynta wafdi kasocda labada gole ee DFKGS oo lafilayo inay maalmaha soo socda yimaadaan Jowhar.

 

Dadka la doonayo in lasoo dhaweeyo waxaa kamid ah guddoomiyaha gobolka shabeellada dhexe iyo xubno kala duwan oo ka tirsan baarlamaanka iyo golaha wasiirada.

 

Marka la eego magaalada Jowhar waxaa ka soconaya hawlo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi , waxaa ka soconay wacyi galin la xiriirta soo dhawaynta golayaasha dawladda federaalka ah .

 

Maamulka gobolka iyo dawladda hoose ayaa ku dadaalaya sugidda bilicda magaalada Jowhar ayadoo maalinta bari ahba la filayo inay yimaadaan xubno ka tirsan labada gole.

 

Magaalada Jowhar oo kamid ah meelaha ay labada gole ee dawladdu isku raaceen inay xukuumaddu si ku meel gaar ah usii dagto ayaa hadana waxaa taas si cad uga soo horjeedsaday guddoomiyaha baarlamaanka oo waraysi uu maalintii shalay ahayd uu bixiyay ku sheegay in magaalda Jowhar aysan lahayn Tasiilaadkii dawladeed.

 

Lama garanayo in golayaasha dawladdu ay qaarkood dagi doonaan magaalada Baydhabo ee goblka Baay maadaama halkaasi ka taliyo xildhibaan ka tirsan dawladda oo diiddan inay halkaasi xukuumaddu tagto.

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Sky:

reverse psychology? it would be an understatement to say that your mental condition depends on somali politics. of all ppl, the one that still worships monkeyface s/barre baa iswaalwaalaya.

And what do you achieve from insulting the dead? Sxb as Rahima once told you "go to sleep" and I will add "request more happier stories during your bedtime story hour". smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

better question: what did you achieve with that post? sorry, but dont cry about my reaction, when yours was nothing but a malicious attempt to score points. listen, i do not wish to insult the dead ape, but what drives me to it, is that nothing gets to you more than having your object of worship insulted. what comes around, goes around allright.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this