Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Masar iyo Qatar oo taageere u muujiyay Soomaaliya, kana soo horjeestay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka adag ee Masar ay ku garab taagan tahay Soomaaliya.

Madaxweyne El-Sisi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhay dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar iyo madaxtooyada Soomaaliya, labada hoggaamiye waxay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga iyo isuduwidda dhinacyada kala duwan.

Waxa kale oo ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, sida lagu yidhi war saxaafadeedyo kasoo kala baxay madaxtooyada labada dal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Hamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xidhiidhka laba geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Soomaaliya ayaa shalay ku boorisay Golaha Ammaanka iyo golaha Midowga Afrika inay shir deg-deg ah ka yeeshaan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this