Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo si rasmi ah ugu dhowaaqday in ay aqoonsanayso Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Itoobiya Mesganu Arga ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kadib heshiiskii ay madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kula galeen Addis Ababa.

Mesganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, islamarkaana uu  kamid yahay qodobada heshiiska ay wada galeen labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada koowaad ee Itoobiya qaadeyso kadib heshiiska uu noqonayo aqoonsiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Tallaabada koowaad ee ay qaadeyso Ethiopia waa aqoonsiga Somaliland, si ay u hesho bad ay isticmaasho,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, sida lagu baahiyay bogga BBC News Ahmaric.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaadhay Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this