Deeq A. Posted January 3, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay nin hubeysan oo dil ka geystay gudaha degmadaasi, kaas oo isku dayay inuu baxsado balse toogasho lagu dhaawacay. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Maadey ayaa waxaa loo haystaa inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo ka tirsaneyd shaqaalaha nadaafadda ee degmada Hodan. Qoraal kasoo baxay Booliska oo lagu faah-faahiyahy dhacdadan ayaa waxaa lagu yiri “Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02.Jan.2024 abaare 17:40 PM, gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon”. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay”. Booliska Soomaaliyeed ayaa intaasi kusii daray in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn maxkamad, si uu cadaallada u maro. “Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro” ayaa mar kale lagu yiri warka. Ma’aha ninkii ugu horreeyay oo dil ka gaystay caasimada oo ay gacanta kusoo dhigaan laamaha amniga, waxaana jiray kiisas hore oo sidan oo kale loogu guulaystay. Muddooyinii u dambeeyay waxaa daganayd xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, waxaana howlgallo joogta ah ka waday Booliska, Nabad-Sugidda iyo ciidanka Xasilinta.The post Ninkii dilay Khadiijo Siyaad Maxamed oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites