Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkan in yar soo eeg si aad halka wax ka soo unkameen nuxurkeeda hoose wax kaaga baxaan:

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkan in yar soo eeg si aad halka wax ka soo unkameen nuxurkeeda hoose wax kaaga baxaan:

25 Ogos wixii ka dambeeyey Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa noloshu way u soo urtay. Cidhiidhi xooggan oo siyaasadeed iyo nafsadeed baa fuulay markaas baa dhaqaalo xumana u sii raacday. Doorasho qabashadeeda ayaa noqoto waxa qudha ee horyaalla oo gaal iyo islaamba kala hadlo.

Abyi nimankii reer galbeed iyo isaga xaalkoodu sidii hore iyo si u dhaw toona ma ahayn in muddo ah. Dhaqaalaha Itoobiya wali kama soo kaban dagaalkii Tigreega. Buuq siyaasadeed gudaha iska soo taraya ayaa isna jiray oo gaadhsiisan in meesha la dhaafiyo. Nin kale oo Orom ah iyo nin Soomaali ah ka lagu beddeli lahaa baa la rogrogayaa maadaama aan Tigree iyo mid Xabashi ahi toona xal loo arki karin kalsoondarrada labadaa qoomiyadood dhex taalla awgeed.

Muuse waxa uu ahaa firdhad raadinaya meel uu karaahidaa kaga dhuunto. Waxa uu si lamafilaan ah u helay kaadh la yidhaahdo AQOONSI baan soo helay. Abyina sidaas oo kale wuxuu soo helay kaadh la yidhaahdo BAD baan inoo soo helay. Muuse intaa waxa u dheer (haddii aad is wayddiinayso muxuu ku beddeshay kolka dantiisa hoose la eego) in Muuse codsaday hub iyo in laga caawiyo sidii uu kursiga u sii joogi lahaa. Waa “firs hand information” waxa aan sheegayaa.

Bad ay Itoobiya helaysaana ma jiro aqoonsi rasmi ah oo Soomaalilaan ku soo salaaxaysaana ma jiro. Eeg uun jihaynta lagu sameeyey shacabka Addis ee xalay dabbaaldegay iyo kan Hargaysa ee caawa jaasay!

Gadhka kaadi igaga xiir haddii wax intaa ka duwani ka soo baxaan.

Waad niikin kartaan in muddo ah.

Qoraa Khadar Cabdi Cabdillahi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this