Sign in to follow this  
Deeq A.

Abshir Huruuse“ Waxaan ahay qof aragtidiisu tahay danta Puntland oo aan koox ka tirsanayn.”

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240102_180515026.jpg?resize=658

Abshir Cumar Huruuse, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya , kana mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha, ayaa ku tilmaamay musharraxnimaadiisa inay fursad u tahay bulshada Puntland, isagoo markaa isku tilmaamay qof aan koox iyo aragti kale aan Puntland ku hoggaaminayn oo leh hal ujeeddo oo ah danaha Puntland, dib u habayn dhab ah iyo isbeddel ay sameyso Puntland, 25 sanno oo ay jirto.

Huruuse, ayaa tilmaamay inuu isku arko xogagaal ka dharagsan marxalada Puntland , maaddama uu ahaa daljoog u war haya daruufaha nidaamka Dawliga ah iyo bulshada Puntland.

“ Waxaan u tartamaya isbeddel iyo adeeg bulsho oo ka hirgela Puntland, taana waxaa lagu gaaraya xasilloonida amni iyo bulsho in dib loo hagaajiyo, kaddibna bulshada adeeg ahaan dib loogu celiyo canshuurta laga qaaday.” ayuu yiri isagoo intaa ku daray “ Daahfurnaanta  dhaqaalaha iyo ku takrifal dhaqaale inuu Puntland ka dhaco waxaan uga hortagayna siyaasad cad, dadka Puntland waxaan usoo bandhigi doona maalinta aan xafiiska tagayo hantideyda.”

Wuxuu caddeeyay dhab u heshiisiin, midnimada Puntland iyo dib u habeynta adeegyada Dawladda, dib u dhiska ciidanka iyo qorshayaasha hortabinta leh inay dejiyeen siyaasaddo cad oo wax ka qabanaya, isagoo intaa ku daray arrimaha Federaalka inay ku wajahayaan talada in lagu soo celiyo waxgaradka iyo bulshada Puntland, si wadajirta oo danaha waxtarka leh inay ku wajihi doonaan.

Hoggaamintiisa, wuxuu sheegay inay Khaatumo u horseedi doonto garab istaag buuxa iyo dhaqangelinta rabitaanka dadka SSC-Khaatumo. Nidaamka doorasho ee khilaafka horseeda ayuu sheegay inay Dawladiisa ka gudbin doonto Puntland oo codka lagu dooranayo hoggaamiyayaasha uu ku imaan doono shacabka, taa oo loo marayo dhaqangelinta nidaamka dimuquraadiyeenta Puntland.

PUNTLAND POST

The post Abshir Huruuse“ Waxaan ahay qof aragtidiisu tahay danta Puntland oo aan koox ka tirsanayn.” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this