Sign in to follow this  
Deeq A.

Gavin Williamson oo Taageeray hindisaha Itoobiya ku Aqoonsanayso Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Gavin Williamson oo Taageeray hindisaha Itoobiya ku Aqoonsanayso Somaliland

London(Qaran news)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Itoobiya noqoto dalka ugu horreeya ee Afrika ee ku dhawaaqi doonta “Aqoonsiga Somaliland”.

Xildhibaan Gavin Williamson oo si weyn u taageera Qaddiyadda Somaliland horena mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland horgeeyay Baarlamaanka UK, ayaa bartiisa X (Tiwitter) ku sheegay sida uu ula dhacay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo xildhibaanku wuxuu ku dooday in UK aanay muddo dheer waxba ka qaban Qaddiyadda Somaliland, waxaanu xusay in xiligan la joogo ay hoggaamin la timaado Dawladda Ingiriisku oo ay xaqiijiso sidii ay u aqoonsan lahayd Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this