Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya oo Waxba Kama Jiraan Ku tilmaamay Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib isugu yeeristooda Madaxweynaha, ay si wadajir ah u guddoomiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal ee BJFS ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Guddoomiyeyaasha labada aqal oo goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay qarannimada Soomaaliya iyaga oo intaa raaciyay in taasi ay tusineyso damaca Itoobiya ay ku doonayso dhul badeed, waxaa ayna xaqiijiyeen in ay tahay arrin aan xaqiiqo noqon karin.

Ugu dambeyntii, qoraal kasoo baxay kulanka baarlamaanka ayaa lagu soo bandhigay qaraar arrinkan la xiriira kaas oo lagu sheegay “Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan”.

Haddaba halkan ka akhriso qodobbada xeerka:

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

XEERKA KU AADDAN BURINTA IS-AFGARADKA MAAMULKA SOOMALILAND IYO ETHIOPIA

Muqdisho, Jannaayo 2, 2024

BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA:

Oo Maanka ku haya:  Taariikhdii dheereed ee colaadeed ee soo martay labada dal iyo labada ummadood, oo ka bilaabata halgankii Imaan Ahmed Ibraahim “Ahmed Gurey”, halgalkii daraaswiishta iyo dagaaladii labda dal ee 1964 iyo 1977, oo labada dal ku reebtay xasuus aan wanaagsanay, balse ku soo idlaaday 1990 burburkii labada dowladdood;

Asagoo garawsan:             In muddooyinka dambe xiriirka labada dal ka soo kabanayeen colaadii taariikhiga ahaa oo ay ku lagu noolaaneyey xiriir iyo deris wanaag.

Asagoo garawsan:             Ahmiyadda ay leedahaya daris ku wadanoolaashaha gobolka, gaar ahaan labada dowladoo ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Markuu Arkay:                   Go’aanka Golaha Wasiirradiisa ee Lr. SHGW058.01.2024 ee Jannaayo 2, 2024 ujeedkeediisu ahaa “Xadgudubka Dowladda Ethipia ee Gobonnimada Soomaaliya”

Markuu Arkay:                   Qodobka 1 (3) ee Dastuurka oo xeerinaya Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan;

Markuu Arkay:                   Qodobka 7 (1) ee Dastuurka oo xeerinaya Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo- goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo;

Markuu Arkay:                   Qodobbada 53aad iyo 54aad ee Dastuurka oo siinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya xaqa awoodeed ee gelista heshiisyo caalami ah gaar ahaan arrimaha la xiriira: Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha, Difaaca iyo Amniga, oo sidoo kale u baahan ansixinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Arkay:                   Qodobka 51 (4) ee Dastuurka oo qeexaya Dhammaan heerarka  Xukuumadda  waxaa  waajib  ku  ah  inay  u

hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey;

Markuu Arkay:                   Qodobka 55aad Faqradda 2aad ee Dastuurka KMG oo qeexaya “Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay mas’uuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta Heerka Qaran”

Markuu Arkay:                   Xeer Lr. 2 Qeybtiisa 1aad “Maamulka Hantida Qaranka”; Qodobka 1aad oo qeexaya in dhammaan Dekedaha iyo Garoomada Dayuuradaha, ha ahaadeen kuwa rayidka ama kuwa ciidanka ay yihiin milkiyad qaran. Sidoo kale Qodobka 3aad ee isla xeerkan oo qeexayaa in aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta Hantida Qaranka ayna tahay lama taabtaan.

Markuu Arkay:                   Mabaadii’da sugaysa xurmadda gobonnimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika ee lagu xeeriyey Axdiga Ururka Midowga Afrika “OAU” iyo Xeerka Dhismaha Midowga Afrika “AU” ee 2002 iyo Urur Goboleedka IGAD;

Markuu Arkay:                   Qodobka 2(4) ee Axdiga Qurumaha Midoobay iyo Qaraar Lr. 2625 oo xeerinaya Dalna uma isticmaali karo inuu dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan ama ficil kasta oo ku qasbaya dal kale in uu muquuniyo xuquuqdiisa madaxbannaanida si looga faa’ideytso”;

Markuu Arkay:                   Qodobka 8aad ee Axdiga Jaamacadda Carabta oo xeerinaya Dowlad kasta oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta waa in ay xurmeyso hannaanka dowladeed ee u dhisan dalalka xubnaha ka ah isla markaana u qaddariso arrimahooda u gaarka ah, xubin walba waxay ballanqaadeysaa ineysan ku kicin fal kasta oo ujeedadiisu tahay wax ka beddelid hannaanka dowladeedka ee dal walba u dhisan;

Markuu Arkay:                   Qodobka 2 (4) Axdiga Wadamada Iskaashiga Islaamka “OIC” oo xeerinaya Dhammaan dalalka xubnaha ka ah OIC waa iney xurmeyaan sayaadada qaran, madaxbannaanida iyo

midnimada dhuleed ee dalalka kale ee xubnaha ka ah ayna marnaba ku kicin faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale;

Asagoo ku kulansan:  Kulanka wadajirka labada Aqal ee Kalfadhiga 4aad Kulankiisa 5aad oo ku qabsoomay xarunta Villa Hargeysa Jannaayo 2, 2024.

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN

Qodobka 1aad:

Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Qodobka 2aad:

Heshiis kasta oo Caalami ah waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u geli kara oo keliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayadoo sharci ahaan loo soo marsiinayo Hay’adda Sharci dejinta JFS uuna Madaxweynaha JFS ku meelmariyo xeer madaxweyne si waafaqsan Qodobka 90(q) ee Dastuurka KMG ah laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 3aad:

Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye oo ka hor imanaya

Dastuurka Federaalka waa waxba kama jiraan aan sharciyad lahayn.

Qodobka 4aad:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa la farayaa in ay si degdeg ah u gaarsiiyo xeerkan Ururka Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobay, maaddaama Shacbiga Soomaaliyeed xaq u leeyihiin bedqabka dalkooda, ilaalinta gobonnimadooda iyo midnimada geyigooda.

Qodobka 5aad:

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaan shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa  iney  u  istaagaan  gudashada  waajibka  saaran  muwaaddin  kastoo

Soomaaliyeed ee difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada Qaranka si waafaqsan Qodobka 42aad Faqradda 2aad xarafka (a) iyo (i) ee Dastuurka Federaalka.

Qodobka 6aad:

Qofkii ama hay’addii Soomaaliyeed ama caalami ee ku xadgudubta xeerkan waxaa lala tiigsanayaa Xeerka Ciiqaabta Guud iyo Shuruucda kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qawaaniinta Caalamiga ah ee arrimahan u abbaaran.

Qodobka 7aad:

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalkuna ku meelmariyo Xeer Madaxweyne laguna soo saaro faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this