Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo shaaciyey xad-gudub culus oo Itoobiya ay maanta ku sameysay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
rooble-gargaar-somaliland.png?fit=748%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si xooggan u dhaleeceeyey heshiiskii ay maanta Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamada badda Itoobiya oo dhowaan dib loo aas-aasay.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhameystiran:

Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.

Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu.

Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.

Dadka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in ay muujiyaan isku duubni xilligan adag.

The post Rooble oo shaaciyey xad-gudub culus oo Itoobiya ay maanta ku sameysay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this