Sign in to follow this  
Emperor

High profile UN delegation from NY to attend the Somali peace talk in Dj. on Sat.

Recommended Posts

Emperor   

Wafdi ka socda Golaha amaanka oo Axada Tagaya madasha kulanka dib u hesiisiinta Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti.

 

Warbixin laga soo saaray xarunta golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ku taala magaalada New York ayaa lagu sheegay in wafdi heer sare ah oo qaramada Midoobay ka socda uu horaanta todobaadka inasoo aadan ka qeyb geli doono kulanka dib u hehsiisiinta Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti ka bilaabmi doona.

 

Booqashada wafdiga qaramada Midoobay ayaa waxaa ay qaadan doontaa muddo 10 maalmood ah waxaana lugta ugu horeysa ee socdalkooda ay ku marayaan dalka Jabuuti oo ay joogi doonaan 2-3-da bisha June.

 

Jabuuti waxa ay xubnaha golaha amaanku ugasii gudbi doonaan dalka Sudan oo ay joogi doonan muddo 3 maalmood ah iyado kadibna ay tagi doonaan wadamada kale ee u qorsheysan.

 

Inta ay joogaan dalka Jabuuti waxaa xubnaha golaha amaanku ay kulamo la qaadan doonaan dhinacyada Soomaalida oo bulshada rayidku ay ku jiraan iyo diblomaasiyiinta beesha caalmaka u mataleysa shirka Soomaalida.

 

Wafdiga golaha amaanka waxaa hogaaminaya safiirka Ingiriiska u fadhiya golaha amaanka,waxaana xubno ka ah masuuliyiin saameyn ku leh golaha amaanka oo uu ka mid yahay safiirka South AFrika u fadhiya golaha amaanka.

 

Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramad Midoobay ugu qaabilsandalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa boqoasahdan ku tilmaamay mid muujineysa inbesha caalamku ay si dhabah markan ugusoojeesatay in aywax ka qabatoimashaakiladka ka tyaagandalkaSoomaaliya iaydooaan cidna looaaba yeeleynin,cidii ka hortimaada barnaamijkabeesha caalamkana aan loodhutin doonin oo lagasiisoconayo.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya oo soo dhaweeyay booqashada xubno ka socda golaha amaanku uu ku imaanayaab kulanka nabadeynta Soomaalida ee Jabuuti.

 

Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa sheegay in uu si farxadi ku jirto usoo dhaweynayo socdaal xubno ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku imaanayaan magaalada Jabuuti Maalinta Axadda ah si ay goob joog kaga ahaadaan kulanka dib u hehsiisiinta Soomaalida ee bari halkaa ka furmaya.

 

Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa sheegay in uu si farxadi ku jirto usoo dhaweynayo socdaal xubno ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku imaanayaan magaalada Jabuuti Maalinta Axadda ah si ay goob joog kaga ahaadaan kulanka dib u hehsiisiinta Soomaalida ee bari halkaa ka furmaya.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in diplomaasiyiinta ka socda xubnaha joogtada ku ah golaha amaanku ay wax ku yeelan doonaan dooda ku saabsan dib u hehsiisiinta Soomaaliya.

 

War murtiyeed uu kasoo saaray xafiiskiisa magaalada Nairobi ayaa wakiilka Qaramada Midoobay waxaa uu ku sheegay in iyadoo dhowr arrimood loo eegayo uu aad uga xun yahay in wafdiga golahga amaanku aanu tagi Karin caasimada Soomliya ee Muqdisho.

 

Laakin Ould-Abdallah,waxaa wax lagu farxo uu ku tilmaamay in booqashada xubnaha golahaamaanku ay kusoo beegmeyso xili ay dhacayaan wada hadallo dib u hehsiisiin Soomaaliyeed ah uuna ku rajo weynyahay natiijo dhaxalgal ahi in ay kasoo baxdo.

 

“Tani waxaa ay fursad aad u wanaagsan u ahaan doontaa hogamiye yaasha Soomaaliya iyo shacabkaba,maadaama beesha caalamku ay u soo jeedo in ay xal kama dambeyn ah u hesho arrimaha Soomaaliya”ayuu hadlkiisa sii daba dhigay wakiilka UN-ku.

 

Waxaa uu dhamaanba dadka Soomaalida ah ee ku kala sugan gudaha iyo dibadba uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadan qaaliga ah ee la helay,si loo soo celiyo sharaftii iyo madax banaanidii dalka Soomaaliya uu calamka ku dhex lahaan jiray bari.

 

Hadalka ka soobaxay wakiilka UN-ka ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo wafdiga ka socda golaha amaanka ee qaramada Midoobay uu bilaabayo socdaal uu ku marayo 5 dal oo Afrikaan ah ,waxaana ujeedada socdaalku ay tahay in loo kuur galo xaaladaha dalalka Soomaaliya, Chad, gobalka Darfur ee dalka Sudan iyo wadamo kale oo ay ka mid yihiin DR congo iyo Ivory Coast.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this