Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Dejinta Ajendayaal Muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah, ayaa waxa ay guddoomiyeyaasha guddiyada soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo akhrimaha kala duwan. Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, isla-markaana laga rabo in ay laba jibaaraan shaqadooda, waxaana uu faray shuruucda ay gacanta ku hayaana soo dhameystiraan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this