Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacigii masaajidul Aqsa ee duqaynta ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta dhintay Yuusuf Salaama oo ahaa daaciga Masjidka Al-Aqsaa kaas oo ku geeriyooday weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala xerada Al-Maghazi ee ku taal badhtamaha Marinka Qasa.

Wuxuu ninkaas mar soo noqday wasiikii Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Falastiiniyiinta.

Wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAA ayaa ku warrantay in diyaraadaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen guriga Sheekh Yusuf Salama taas oo sababtay geeridiisa, waxaa kaloo weerarka dhaaawac ka soo gaaray tiro ka mid ah qoyskiisa.

Waxay intaa ku dartay wakaaladu in sidoo kale tiro shacab Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaynta.

Sheekh Yuusuf Salama waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Al-Maghazi sanadkii 1964-tii. Qoyskiisu waxay ka soo jeedaan magaalada Falastiin ee Beit Tima, halkaasoo laga eryay xilligii Nakba ee sannadkii1948-kii.

Sheekh Yuusuf Salaama wuxuu ahaa nin aqoon durugsan u leh diinta islaamka isagoo shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaatay aasaaska diinta iyo fiqiga, halka tan labaadka uu ka diyaariyey arrimaha islaamka.

Sheekh Yuusuf Salaama ayaa shahaadada saddexaad ku qaatay arrimaha Islaamka iyo saamaynta ay ku leedahay Falastiin.

Sheekha ayaa soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ku jireen wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta ee Falastiin, xoghayaha golaha tacliinta ee machadka Al-Ashar ee Qasa. Wuxuu kale oo ahaa barre sare oo jaamacada Al-Azhar ee Qasa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this