Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo Socdaal ku Tagay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland oo Socdaal ku Tagay Itoobiya

Hargeysa-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah oo marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia mudane Abiy Ahmed Ali, ayaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka raacay diyaarad gaara oo uu Ra’iisal wasaaruhu u soo diray weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxaanu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Ethiopia kaga sii horeeyo weftiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this