Deeq A. Posted December 31, 2023 Magaalada Garoowe waxa weli ka taagan xiisadda arrimaha doorashada oo ay ku muransan yihiin madaxweyne Deni iyo musharrixiinta Mucaaridka ah. Labada dhinac ayaa ku muransan tirada xildhibaannada lagu galayo doorashada 2024 kadib go’aankii SSC-khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland. Musharrixiinta Mucaaridka ah iyo inta badan isimada dhaqanka Puntland ayaa soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii SSC. Dhinaca kale madaxweyne Siciid Deni ayaa ka horyimid go’aankii SSC waxaana uu sheegay in doorashada lagu galayo 66 isaga oo suuqa ka qortay 17 xubnood oo reer Khaatumo ah. Khilaafka ugu xooggan ayaa ka taagan xubnaha 17-ka ee madaxweyne Deni uu suuqa ka qortay oo aan haysan saxiixa isimada iyo cuqaasha SSC-khaatumo. Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka oo uu fara gelin xooggan ku hayo Siciid Deni ayaa ugu danbayn isku raacay in ay galabta ku dhawaaqaan liiska 66-da Baarlamanka cusub. Geesta kale musharrixiinta Mucaaridka ayaa wada dhaq dhaqaaqyo iyo diyaar-garow inkastoo aan la ogayn tallaabada xigta ee ay qaadayaan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee xiisadda doorashada Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites