Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo socdaal ku Tagaya Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland oo socdaal ku Tagaya Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku tago dalka Itoobiya maallinta bari ah

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dawladood, hase yeeshee ilo looga qaateen ah ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Itoobiya iyo Somaliland oo cilaaqaadkoodu aad u sareeyay ayaa xidhiidhkoodu hoos u dhacday tan iyo markii Abiy Ahmed la doortay 2018kii. Wuxuuna xoogga saaray Soomaaliya oo ay aad iskugu xidhmeen intii uu joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Ma cadda asbaabaha uu xilligan Abiy Axmed ugu yeedhay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo indhawaalaba diblomaasiyad ahaan la dareemay inuu gaabis ku yimid iskaashigii dhinacyada amniga iyo Ganacsiga ee Somaliland iyo Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this