Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland oo dhexdooda Khilaaf hareeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703921048880.jpg?resize=720%2C48

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa saaka qarka u saaran in ay laba garab noqdaan.

Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ayaa saaka ku muransan fulinta amarkii uu xalay siiyay Madaxweyne Siciid Deni ee ahaa in aysan dheg jalaq u siin go’aankii isimada dhaqanka.

Guddiga oo dood ka yeeshay sida laga yeelayo awaamiirta Siciid Deni ayaa aad u kala qaybsan waxaana laga filan karaa in ay laba garab u kala jabaan haddii khilaafkoodu sii socdo.

Madaxweyne Deni oo xalay saq barkii kulan deg deg ah la yeeshay guddiga ayaa ku wargeliyay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn karo shakhsiyaadka reer SSC ee uu suuqa ka qortay balse aan haysan saxiixa isimada degaannaasi.

The post Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland oo dhexdooda Khilaaf hareeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this