Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo naqdiyay shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay qodobada ka soo baxay shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Heshiiska maanta ka soo baxay Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu u muuqdaa mid hoos u dhigaya Somaliland, wixii qarsoon ama warbixin ah ee wefdigu la soo guryo-noqdaana waa aynnu sugaynnaa.

Xisbiga WADDANI ma aqbalayo wax kasta oo qarannimada Somaliland mugdi gelinaya ama meel kaga dhacaya madaxbannaanida Somaliland, mana jirto cid ku meteshaa.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this