Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada dhaqanka Puntland oo go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703881764770.jpg?resize=720%2C48

Isimada dhaqanka Puntland ayaa bayaan rasmi ah ka soo saaray xiisadda ka taagan arrimaha doorashada Puntland.

Isimada dhaqanka oo shir deg deg ah ku yeeehay Garoowe ayaa go’aamiyay in doorarashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee SSC-Khaatumo.

Bayaanka isimada dhaqanka Puntland oo ay ku saxiixan yihiin ilaa 30 isin ayaa sidoo kale soo jeediyay in ay is casilaan xubnaha SSC-khaatumo kaga jira guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale magacaabay guddi isimo ah oo ka kooban 5 shan xubnood kuwaas oo korjoogteeya guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland.

Halkaan ka akhriso bayaanka isimada

FB_IMG_1703879979899.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1703879976235.jpg?resize=720%2C11 FB_IMG_1703881281120.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Isimada dhaqanka Puntland oo go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this