Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ka cusub wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
Biixi-Geelle-Xasan.jpeg?fit=2551%2C1701&

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo dib uga furmay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay kulansiiyay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wada-hadallada ayaa galay maalintii labaad, ayadoo saxaafada dibad joog ka tahay kulamadan.

Kulamada socda ayaa looga arinsanaya sidii dib loogu sii amba-qaadi lahaa kulamadii iyo wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Arrimaha u waaweyn ee xilligaan miiska saaran ayaa ah qodobbadii horey loogu heshiiyay ee aan la fulin, iyo si habsami leh loogu sii qaado wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa la rumeysan yahay in caqabad aan ogoleyn in heshiis dhab ah laga gaaro wada-hallada Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay heshiisyada aysan waxba ka fulin ee kulamadii hore, waana u muhiim si hore loogu sii socdo.

Si kastaba, Kulankan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ayaa noqonaya kii u horreeyay ee labada dhinac si rasmi ah isku soo hor-fariistaan. Iyada oo labada madaxweyne sanadkii tegay bishan oo kale ku kulmeen munaasabad ka socotay dalka Jabuuti, taasi oo aan aheyn kulan shaqo.

The post Xog ka cusub wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda Jabuuti appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this