Sign in to follow this  
Liibaan

Wasiirka ArrimahaDibadda eeSomaliland Cabdilahi Ducaale oo Dawladda Shariif u yeedhay

Recommended Posts

Liibaan   

3b2fe478378bf6434508a8c7aee37148.jpg

 

War deg deg ah: Cabdilahi Maxamed Ducaale oo Dawladda Sheikh Shariif u yeedhay

 

 

September 4th, 2009

 

Jabuuti (Waryatv.com) Sarkaal ka tirsan dawladda Federaalka ku meel gaadhka ah ee Somaliya ee uu Sheikh Shariif Axmed hogaamiyo, oo magaciisa la yidhaa Maxamed Xasan Cismaan, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu maalintii Arbacada ee todobadkan ee ay tariikhdu ahayd 2 September kulan la yeeshay Wasiir ka tirsan dawaldda Fedraalka Somaliya magaalada Jabuuti.

 

 

Waxa sarkaalkani shaaca ka qaaday in intii uu ku sugnaa Jabuuti uu Cabdillahi Maxamed Ducaale shir dheer la yeeshay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda ee dawladda TFG da Somaliya, hadana ah wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Mudane Maxamed Cabdillaahi Oomaar. Waxaana uu intaa ku daray masuulkani u hadlayay dawladda TFG du inuu wadahadaladan uu goob joog ka ahaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dawladda Jabuuri, Mudane Xaamud Cabdi Suldaan, oo dawladda Jabuuti u qaabilsan Arrimaha dib u heshiisiinta kooxaha siyaasadda ee Somaliya.

 

Mas’uulkani wuxuu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheer ka bixiyo qodobada lagawada hadalay. Laakiin wuxuu sheegay in maamulka Sheikh Shariif soo dhwaynayo wadahadalka dhexmaraya maamulka Somaliland iyo xukuumadda TFGda.

Haseyeeshee, warar u dhuun daloola safarka Cabdillahi Maxamed Ducaale ee Jabuuti oo ka soo baxay ilo wareedyo ku dhaw xukuumadda Jabuuti ayaa ****olka ka qaaday in khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka taagan Somaliland ee u dhexeeyay xukaamadda Rayaale iyo xisbiyada mucaaradku ay muujinyaan in xukuumadda Daahir Rayaale ay ku dhawday burbur, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la helo qaab siyaasadeed oo kale oo xal u noqda helitaanka dawlad Somaliyeed oo Somaliland qayb ka tahay, si ayna Somaliland gacanta ugu galin kooxaha mucaaradka oo la filayo inay sii wadaan siyaaasadii kale gooynta Somaliliya, oo hadda u muuqda inay ku guulaysanayaa talada hogaaminta Somaliland.

 

Xilli ay shacabka Somaliland ay u diyaargaroobayaan doorasho madaxwayne oo ay xukuumadda Rayaalana ka caga jiidayso ayuu madaxwayne Rayaale u diray Wasiirkiisa khaarijiga dalka Jabuuti si uu shir ula galo masuuliyiin ka tirsan Jabuuti iyo maamulkaTFG da. Waxay dadka siyaasadda gorfeeyaa talaabadan ku tilmaameen mid uu ulajeedadeedu noqon karto in haddii uu Rayaale ku guulaysan waayo sii wadida xukunka dalka in aanay Somaliland sii jirin

 

Wasiir Cabdillahi Maxamed Ducaale oo in muddo ahba joogay dalka jabuuti ayaa la garan la’aa sabatu uu u joogo dalkaasi muddo intaa leg, iyadaoo aanay xukuumadda Daahir rayaale wax tafaasiil ah ayna ka bixin joogitaan dheer ee Jabuuti.

 

Haseyeeshee warkani wuxuu caddayn buuxda u yahay hawlagalada uu Cabdillahi Maxamed Ducaale u tagay Jabuuti wakhti lagu jiro xiligiii ugu adkaa ee ay siyaasadda Somaliland soo marto tan intii la qaatay nidaamka dimuqraadiyadda.

 

Waryatv.com

Stockholm

 

Kasim Abdulkadir

Editor@waryatv.com

Stockholm Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this