Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo U Socdaalay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

WAR-SAXAAFADEED.

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona, waxana ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa weftiga Madaxweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this