Deeq A. Posted December 28, 2023 Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay gawaari qalab siday qalab iyo siddeed qof oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab. Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa qabtay saddex gaaari oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo sidoo kale dadkii watay . Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. “Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidookale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. NISA ayaa intaasi kusii dartay qalabkan loo waday kooxda Al-Shabaab, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. “Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-shabaab joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen al-shabaab si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Ciidamada ammaana ayaa sidaan oo kale horay gacanta ugu dhigay rag loo waday Al-Shaabaab iyo qaar kamid ah xaasaskooda, kadib howlgallo ka dhacay Shabeelooyinka. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada ee ka socda Muqdisho iyo deegaanada kale ee u dhow dhow. The post NISA oo gacanta ku dhigtay koox halis ah oo kusii jeeday… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites