Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Deni oo ka horyimid go’aankii Mucaaridka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Siciid Deni oo ku hadlaya magaca Beesha Sool clan ayaa ka horyimid go’aankii shalay ka soo baxay musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa shalay isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayay sidoo kale ku sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Haddaba waxa go’aankaasi qaaddacay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Beesha Sool clan ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaana ay tallaabada Mucaaridka ku tilmaameen mid aan sharciga iyo Dastuurka Puntland waafaqsanayn.

FB_IMG_1703761051198.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1703761054863.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Deni oo ka horyimid go’aankii Mucaaridka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this