Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ba’an oo mar kale ka dhex bilowday Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Recommended Posts

Deeq A.   
112428867_96697cc9-5d33-444f-8c5d-4f9f3d

Khilaaf ba’an oo ku saabsan arrimaha doorashada Puntland ayaa mar kale ka dhex bilowday Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa suuqa ka qortay shakhsiyaad uu ku tilmaamay in ay yihiin 17-kii xildhibaan ee Reer SSC, kuwaas oo aan haysan saxiixa isimada dhaqanka iyo cuqaasha Khaatumo.

Waxaase sida wararku sheegayaan tallaabadaasi ka horyimid Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash, iyadoo hadda muran xoogan ka dhex taagan yahay labada mas’uul ee ugu sarreeya Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid shakhsiyaadka uu Siciid Deni suuqa ka qortay ee ku tilmaamay xildhibaannadii SSC laga soo dooran jiray.

Mucaaridka ayaa ku baaqay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, maadaama reer SSC samaysteen maamul gaar ah, islamarkaana ay go’aansadeen in aysan ka qayb gelin doorashada Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni oo hadal jeediyay ayaa sheegay in doorashada lagu geli doono 66 xildhibaan, taasi oo ka dhigan in uu waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii reer SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf ba’an oo mar kale ka dhex bilowday Siciid Deni iyo Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this