Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Dawlada Somaliland iyo Dawlada Imbegati Shirki Keniya

Recommended Posts

Dawlada Somaliland iyo Dawlada Imbegati

 

ayaa iyagoo ka kala socda laba wadan oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya

 

Dawlada Somaliland iyo Dawlada Imbegati ee uu hogaamiyo Cabdillaahi Yuusuf ayaa iyagoo ka kala socda laba wadan oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya wada jir uga qayb galay shir caalami ah oo lagaga hadlayay budhcad badeeda oo shalay ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirkaas oo maanta soo xidhmaya , waxa qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobay, waxaana marti gelisay dawlada Kenya.

 

Somaliland waxa uga qayb galay wefdi ka kooban lix xubnood oo uu hogaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidoo kale dalka Soomaaliya waxa uga qayb galay xubno wasiiro ah oo ka socday dawlada Imbegati iyo Madaxweynaha Maamul gobolkeedka Putland.

 

“Shirku maanta (Shalay) ayuu furmay, maantana wuu soo xidhmayaa, waxa aanu shrike ka qayb galnay anaga oo Somaliland ah, Soomaaliyana waxa shirka uga qayb galay wefdi ka socday dawlada Cabdillaahi Yuusuf, Cadde Muusana wuu joogay oo waxa uu xisaabsanaa dhinaca Soomaaliya” sidaa waxa yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi Mudane Maxamed Axmed Nuur “Indha Buur”, waxaanu intaasi raaciyay “Dawlada Somaliland iyo dawlada Imbegati way is dhinac fadhiyeen iyaga oo kala ah laba dal. Somaliland waxa ay shirkaas ka jeedisay khudbad balaadhan oo la xidhiidha sida ay biyaha Somaliland amaanka u yihiin iyo sida ay uga badka qabto dhibaatooyinka budhcad badeedka, aadna waa loogu bogay warbixinta Somaliland. Wefdigii ka socday dalka Soomaaliyana waxa lagula taliyay inay ku daydaan Somaliland iyo horumarka ay ka samaysay berriga iyo badaba”.

 

Xubnihii ka socotay dawlada Imbegati iyo maamul goboleedka Putland ayaa ka hor intii aanu shirkaasi shalay furmin , waxa ay isku dayeen inay qaban qaabiyayaasha shirka ku qanciyaan inaan Somaliland gaar looga saarin Soomaaliya, laakiin taasi uma suurtp gelin.

 

Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this