Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland oo go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703696492792.jpg?resize=720%2C48

Musharrxiinta Mucaaridka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa mowqif midaysan ku go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan kadib shir gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayay sidoo kale ku sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.

Golaha Musharrixiinta Mucaaridka ah oo ka kooban 15 xubnood ayaa sidoo kale uga digay Madaxweyne Deni iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamanka in ay sii wadan Hawsha doorashada oo aan heshiis lagu ahayn.

FB_IMG_1703694376148.jpg?resize=720%2C90 FB_IMG_1703694381194.jpg?resize=720%2C90

PUNTLAND POST

The post Musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland oo go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this