Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo ka Hadashay Shirweynaha Dhallinyarada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo ka Hadashay Shirweynaha Dhallinyarada Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay shir lagaga hadlayay qabsoomida Shirwaynaha Caalamiga ah ee Dhalinyarada Somaliland (Somaliland Inernational Youth Summit).
IMG-20231226-WA0009.jpg
Shirkaas oo sidoo kale uu goob jooge ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa aad u faahfaahiyay faa’idada uu shirwaynahaasi u leeyahay Dhalinyarada iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland.

Waxaa sidoo kale shirkaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, Waaxda Dhalinyarada, Waaxda Qorshaynta iyo Agaasimayayaasha Fulinta ee Sonyo iyo Shaqadoon, iyagoo dhamaantooda tibaaxay baahida Loo qabo qabsoomida shirwaynahan.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa si qotodheer u faahfaahiyay faa’idooyonka uu qaran ahaan shirkaasii xambaarsan yahay.

Wasiirka ayaa ugu dambayntii sheegay in arintan uu u saarayo Guddi Farsamo oo soo qabanqaabisa.

Shirwaynaha Caalamiga ah ee Dhalinyarada Somaliland ayaa la rajaynayaa inuu markii ugu horaysay ka qabsoomi doono Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this