Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Booqasho ku Tagaya Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Booqasho ku Tagaya Taiwan
IMG-20231226-WA0008.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa shaacisay inuu dalkeeda socdaal rasmi ah ku iman doono Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.

Wasaaradda Khaarajiga Taiwan waxa ay sheegtay in Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland uu dalkaas booqasho rasmi ah ku tagi doono Taiwan 3 January 2024, waxaanu socdaalkiisu qaadan doonaa muddo lix maalmood ah, waxana lagu wadaa inuu kulamo la yeellan doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu, Komishanka Doorashooyinka iyo Wasiirro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Taiwan, si uu xog uga helo nidaamka iyo shuruucda doorashooyinka Taiwan.

Sidoo kale wuxuu Guddoomiyaha Komishanka Somaliland booqan doonaa laamaha dawladda Taiwan ee iskaashiga wada shaqeyneed la leh guddida Doorashooyinka dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxay tilmaantay inay Somaliland ka dhexeeyo cilaaqaad iskaashi, iskana shabaha dhinaca dimuqraadiyadda.

Booqashada Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee Taiwan ayaa ku soo beegantay iyadoo 13ka January ay dalkaas ka dhacayso Doorashada madaxtooyaddu.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this