Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Xuquuq Insanka iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka Puntland oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703661402869.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Guddoomiyaha iyo Guddigu waxay kawada hadleen hannaanka maaraynta cabashooyinka iyo tix-gelinta qoondada haweenka.

Guddigu waxay uga warbixiyeen una sheegeen Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Avv. Said Mumin inay weli ku guda jiraan  qabashada galalka murashaxiinta iyo cabashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa guddiga ku booriyey inay baaraan oo ay hubiyaan cabashooyinka, ayna xaqiijiyaan dhexdhexaad-nimadooda iyo in daah-furnaanta iyo caddaaladdu tahay waxa keliya ee yarayn kara khilaafaadka maadaama doorashooyinkii hore ee beelaha ku salaysan ay keeneen tafaraaruq iyo kalsooni-darro bulsho.

Guddigu waxay muujiyeen inay dadaalayaan, inkastoo hannaanka wax qaybsiga qabiilka aan sharciga la waafajin karin.

Ugudambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu guddiga ku bogaadiyey shaqada adag ee ay ummadda u hayaan.

PUNTLAND POST

The post Xafiiska Xuquuq Insanka iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka Puntland oo kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this