Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xabsiga dhigtay Agaasimihi Laanta Puntland u qaabilsanaa Hay’adda Socdaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703662744225.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland ayaa saaka xabsiga dhigay Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil oo ku magac dheer Fu’aad.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in saaka xabsiga Garoowe loo taxaabay Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil oo (Fu’aad).

Wararka ayaa sheegaya in Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaran uu Agaasime Fu’aad waaran uga soo jaray Maxkamadda Garoowe inkastoo aysan weli dowladdu shaacin eedda loo haysto mas’uulkaasi.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xabsiga dhigtay Agaasimihi Laanta Puntland u qaabilsanaa Hay’adda Socdaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this