Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo ku Baaqday in wax laga Qabto Xiisada Badda Cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo ku Baaqday in wax laga Qabto Xiisada Badda Cas

Hargeysa(Qaran news)-War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa ku baaqday in wax laga qabto xiisada Badda cas.
Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah wax looga qabto xiisadda kacsan ee badda cas.

Somaliland waxa ay si dhow ula soctaa xaaladda amni ee ka sii daraysa ee badda cas.

Xiisaddan ka soo cusboonaatay baddda cas ayaa khatar ku ah ammaanka badda iyo degenaanshaha gobolka iyo sidoo kale nolosha malaayiin qof oo ku tiirsan marinnada ganacsiga ee mara badda.

War-saxaafadeedkan waxa lagu yidhi, waxaanu ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in mudnaanta la siiyo diblomaasiyadda, wada hadalka iyo xallinta wixii khilaafaad ah. Waxa aanu aamin sannahay in xiisadda lagu dhammayn karo hannaan iskaashi ah oo mudnaanta siinaya ammaanka guud ee badda,
isla markaana ixtiraamaya qawaaniinta caalamiga ah, kaasoo u hawl gala sidii loo dawayn lahaa sababaha dhabta ah ee khilaafka iyo xasilloonida darrada siyaasadeed ee gobolka.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ugu baaqayso daneeyayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ba inay door wax ku ool ah ka ciyaaraan fududaynta dajinta xiisadda iyo inay is barbar taagaan dadaallada diblomaasiyadeed.

Dawladda Somaliland waxa ay ka go’an soo dhawaynta saaxiibbada doonaya inay ka qayb qaataan dadaalladayada amniga badda, si aanu u xaqiijinno in badda cas ahaato marin-biyood nabdoon oo dhammaan safarrada maraakiibtu si amni ah u mari karaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this