Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo barnaamij siyaasadeedkiisa Doorashada Madaxtooyada la wadaagay Dalladaha Dhallinyarada ee la Shaqeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Waddani oo barnaamij Siyaasadeedkiisa Doorashada Madaxtooyada la wadaagay Dalladaha Dhallinyarada ee la Shaqeeya
IMG-20231226-WA0005.jpg
IMG-20231226-WA0006.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa maanta barmaamij siyaasadeedka xisbiga ee doorashada Madaxtooyada 2024 la wadaagay hoggaanka dalladaha dhallinyarada ee xisbiga la shaqeeya.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Xoghayaha garabka dhallinyarada Cabdiqaadir Jaylaani, Afhayeenka Garabka Dhallinyarada Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo maamulka afar ka mid ah dalladaha xisbiga la shaqeeya ayaa si waafi ah loogu lafo-guray tiirarka uu xoogga saarayo barmaamijka siyaasadeed ee xisbiga oo dhawaan la filayo in lala wadaago bulshada Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this