Deeq A. Posted December 26, 2023 Talo ku socota Muuse Biixi. Madaxweyne waad ku mahadsan tahay in aad ciidankii dib u dhistay, dib u dhiska ciidankana aad farahii hore ee aad kula jirtay ka yaraysay. Waxaa iyaguna amaan mudan reeraha HJ ee aagga hore ku jira oo kugu simay dib u dhiska ciidanka. Madaxweyne waxaa lagaa sheegayaa in aad ku qufulantay aarsi iyo ceeb iska maydh aad doonayso in aad rogaal celiso ( rogaal celin mudo dhaaftay!). Xaaladu halkay taagantahay caawa maaha halkii ay laba bilood ka hor taagneyd oo aad magac ku helilahayd rogaal celinta hadaad awood haysay. Maanta debecsanaan iyo siyaasad ayaa kuu furan iyo in aad isku dayso Sool clan intay kala miirmayaan oo aanad caqli mooyee ciidan adeegsan Qaran. Ogsoonow Laascanood Jaamac Siyaad iyo intii SL la danta ahayd ayaa hore inoo geeyey, maanta khasaare la’aan iyaga ayuu baa inagu celin kara haddaynu ka faaiidaysano xaaladaha cusub ee soo kordhay. Maanta magac wuxuu kuugu jiraa in aad u jihaysato dhanka doorashadda oo aad xiligeeda ku qabato. Madaxweyne waxaan kugula talinayaa in aanad talo khaldan dib u qaadan oo la mid ah tii shirkii Sheekh ee August 2023 rag kaa siiyey ee aynu ku jabney 25 Aug 2023. Doorasho, Doorasho, Doorasho! Xisbiga UCID wuxuu hore kuugu taageeray difaaca iyo dib u habaynta Ciidanka, imikana uu u taagan yahay. Xisbiga UCID isaga oo aan siyaasadaynayn xaaladda dalka iyo dadku ku jiro waxaa kaliya ee uu kaa sugayaa in aanad abuurin xaalad aad kaga meeraysato doorashadda. Ciidanka Qaranku waajibkiisa Qaranimo waa qabaa laakiin waajibkaasi yuuna noqon mid aad Muuse Biixi ahaan aad ka leedahay dan gaara iyo aarsi aan raandhiis yeelan oo wax sii murgiya. Waajibka Ciidanku waa in uu noqdaan mid keena negaasho lagu negaado yoolka, nabadna keeni kara Qaranimaddana xoojiya, doorashana aan baajin. Wa Bilaahi Tawfiiq. Mohamoud Arrale. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites