Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaalkii galabta ka dhacay Buurta Jeex-jeex ee duleedka Caad iyo qorshaha socda

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-xoogga-dalka-ciidamada-militeri

Shabeelow (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay buurta Jeexjeex oo u dhow magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana laga helayaa faahfaahino dheeraad ah khasaaraha dagaalkaas.

Dagaalka ayaa dhacay salaadii Casir kadib, kooxda Shabaab oo u adkeysa weysay duqeyn ku bilaabatay saakay ayaa ka soo baxday godadkii, waxaana sidaas ku bilowday dagaalka.

Duqeymaha iyo dagaalka tooska ah, waxaa kooxda maanta looga dilay maleeshiyaad badan, sida ay noo sheegeen saraakiishu.

Sidoo kale duqeynta waxaa lagu burburiyey gaadiid dagaal oo Shabaab ay ku heysteen dhulka howdka ah ee deegaanka Caad, sida ay saraakiishu u sheegeen Caasimada Online.

Caawa waxaa kooxda lagu duqeynayaa Hoobiye, wuxuuna dagaalka ka socda buurta Jeexjeexa galay maalintii shanaad, iyadoo weli aan lagu guuleysan in kooxda laga saaro dhufeysyada ay qoteen.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax ayaa maanta sheegay in howlhalka ka socda duleedka Caad lagu dilay ugu yaraan 80 Shabaab ah 48-kii saac ee ugu dambeeyey.

Ciidamada xoogga dalka ee Gorgor, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubka qaatay ayaa iska kaashanaya howlgalkaan, waxaana lagu rajo weyn yahay in saacadaha soo socda kooxda laga saaro dhufeysyada ay qoteen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Cassimada Online u sheegay inay rajadoodu tahay in saacadaha soo socda ay ka gudbaan difaacyada kooxda ee ka sokeeya Caad.

Al-Shabaab ayaa buurta Jeexjeex isugu keenay dhamaan wixii maleeshiyaad ka joogay gobolka Mudug, si ay u difaacdaan gobolkaas, maadaama hadii laga qabsado Caad ay ka dhigan tahay inay uga dhamaatay Mudug.

The post Xogta dagaalkii galabta ka dhacay Buurta Jeex-jeex ee duleedka Caad iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this