Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI iyo ururka KAAH oo Shaaciyay inay isja Kaashanayaan qabsoomida Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

WADDANI iyo KAAH oo Shaaciyay inay isja Kaashanayaan qabsoomida Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Urur siyaasadeedka KAAH, Cabdilaahi Ibraahom Habane ayaa sheegay in aanay inay ogolayn dagaal, hase ahaatee ay u baahan yihiin doorashooyinkii muddaysnaa ee 2024 inay wakhtigoodii ku dhacaan.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI iyo Ururka KAAH ay iskaashanayaan sidii ay doorashooyinku dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la midoobo oo loo duyaar garoobo in la is difaaco oo aan wax dagaal ah la qaadin, doirashooyinkuna wakhtigoodii ku dhacaan.

Guddoomiye kuxigeenka KAAH wuxuu sheegay in dalku ku jiro marxalad dhimasho iyo geeri u dhexeeya oo xaaladuna aanay isku toosnayn.

Cabdilaahi Dheere wuxuu sheegay in wixii lagu soo tabcayey 32 sanno lagu baabiiyay sagaal bilood, loona baahan yahay in wax laga weydiiyo madaxweynaha iyo kooxda la shaqeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this