Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin ku saabsan ka hortagga iyo maaraynta khatarta dabka ee magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703503886263.jpg?resize=720%2C54

Dab kacay oo khasaare naf iyo maalba ah sababay ayaa xilliyo duwan laga laga diiwaan-geliyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Khasaaraha ka dhasha dabka ayaa hadba u kala yar sida loo maareeyo khatartiisa iyo helidda gaadiidka dab-demiska ee gurmadka deg deg ah ka sameeya goobta.

Goobaha ugu badan ee dabku ka kaco magaalada Garoowe waxa kamid ah, xarumaha shidaalka, xeryaha bara-kacayaasha, garaashka baabuurta iyo suuq-yada ciriirka ah, sida uu sheegay madaxa dab-demiska dowladda hoose ee Garoowe, Gaashaan Cabdi Maxamed.

“Goobaha ugu badan ee dabku ka kaco magaalada Garoowe waa xarumaha shidaalka, xeryaha bara-kacayaasha, garaashka baabuurta iyo suuq-yada ciriirka ah, waxaase mar kasta si deg deg ah ugu gurmada waaxda dab-demiska dowladda hoose oo la tacaasha heerka dabka” ayuu yiri Gaashaan.

Madaxa waaxda dab-demiska dowladda hoose ee Garoowe Gaashaan Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaha sababa in aan markiiba deminta dabka lagu guulaysan ay ugu horrayso jidadka ciririga ah ee ku yaalla goobaha qaar sida xeryaha bara-kacayaash.

” Caqabadaha waxa ugu horreeya jidadka ciriiriga ah ee ku yaalla sida bara-kacayaasha, waxaa sii dheer dadka oo aan horay u soo wicin gurmadka dab-demiska, balse markii ay dabka ka quustaan oo uu fido soo waca waaxda dab-demiska” ayuu sii raaciyay Gaashaan Cabdi.

Dhinaca kale, Eng Cabdirisaaq Diiriye Muuse oo baaris ku sameeyay sababaha keena dabka Garoowe ayaa sheegaya in xarumaha shidaalka ee ku yaalla goobaha aan munaasibka ahayn iyo maqaaxiyaha dhuxusha laga shito ee suuqyada dhexdooda ay kamid yihiin xaaladaha dabka kiciya.

Eng Cabdirisaaq ayaa intaas raaciyay dabka ka kaca garaashka baabuurta ay inta badan sabab u yahay sigaarka lagu cabbo garaashka gaadiidka, kaasi oo si fudud u guba xarunta mararka qaarna ku faafa gooba ka baxsan.

” Dabka waxa sababa xarumaha shidaalka ee meelaha aan munaasibka ahayn ku yaal, maqaaxiyaha lagu shito dhuxusha ee suuqyada ciriiriga ah iyo sigaarka lagu cabo garaashyada gaadiidka. Inta badana waxa dabku kacaa xilliyada xagaaga ah ee dabaysha xooggan dhacayso oo uu hal mar ku fido aagga dhan” ayuu yiri Eng Cabdirisaaq Diiriye Muuse oo baaris ku sameeyay waxyaabaha sababa dabka Garoowe.

Nuurto Maxamed Maadeey oo kamid ah bara-kacayaasha Garoowe ayaa dhankeeda sheegtay in sababaha dabka ka kiciya xeryaha barakacayaasha Garoowe ay ugu weyn tahay guryaha ka dhisan oo u badan coosh iyo buushash si fudud dabku u qabsan karo gaar ahaan xilliyada dabayshu jirto.

“Guryaha aan ku jirno waa buushash isku dhisan oo dab yar haddii uu taabto isla gubanaya. Marka dabayl jirtaan ugu daran oo si fudud uma joogsanayo dabka dab-demis kasta  oo yimaadana ma badbaadin karo markaas” ayay tiri Nuurto Maxamed Maadeey.

Dhanka kale, Agaasimaha waaxda Maaraynta Musiibooyinka wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi Buulle ayaa soo jeediyay talooyin lagu yarayn karo dabka ka kaca Garoowe oo sannadihii danbe ku soo noq-noqday magaalada.

“Waa in xarumaha shidaalka la kala fogeeyo, lagana fogeeyo maqaaxiyaha cuntada, bankiyada, bartamaha suuqa iyo hoteellada, waana in kaalmaha shidaalka laga ilaaliyo sigaarka iyo dhammaan wixi dab dhalin kara, Waa in suuqyada, garaashka baabuurta iyo buushashka barakacayaasha laga ilaaliyo oo laga fogeeyo wax kasta oo dab kiciya” ayuu yiri Agaasime Cawil Buulle.

Agaasime Buulle ayaa sidoo kale soo jeediyay in wacyi-gelin ku saabsan khatarta dabka iyo sida loo maareeyo loo sameeyo bulshada oo weliba warbaahinta loo mariyo si ay wacyi ku filan ugu helaan halista iyaga iyo naftooda kaga imaan karta musiibada dabka.

PUNTLAND POST

The post Warbixin ku saabsan ka hortagga iyo maaraynta khatarta dabka ee magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this