Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku baaqay shir deg deg ah oo lagu badbaadinayo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703398067514.jpg?resize=720%2C48

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ku baaqay in ay shir deg deg ah isu-gu yimaadaan dhammaan isimada Puntland si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aankii SSC-Khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse ayuu ugu horrayn ku soo dhaweeyay Go’aankii Isimada SSC-khaatumo ku caddeeyeen in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn doorashada Puntland.

“Ugu horreyn waxaan soo dhaweynayaa oo ku ixtiraamayaa go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo ay ka gaareen aayahooda. Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, waxaan  rajeynayaa in aysan wax dhib ah dhaceyn” ayuu yiri Boqor Burhaan.

“Maadaama xaaladda guud ee dalku is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ku beegantey wakhti xasaasi ah.  Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado AAYAHA PUNTLAND” ayuu sii raaciyay Boqorka.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale dowladda iyo siyaasiyiinta Puntland ugu baaqay in ay meel iska dhigaan Khilaafaadka islamarkaana u midoobaan badbaadinta Puntland.

“Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.Mar labaad waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka iyo haldoorka in loo guntado badbaadinta Puntland oo la isugu yimaado shir”.

PUNTLAND POST

The post Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku baaqay shir deg deg ah oo lagu badbaadinayo Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this