Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo caddeeyay Mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1703447031239.jpg?resize=720%2C48

Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo maanta Shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ka soo baxay Musharrixiinta ayay ugu horrayn ku sheegeen in ay ixtiraamayaan go’aanka isimada iyo Maamulka SSC-khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland, balse waxay intaas raaciyeen in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay, si loo kala guro labada Puntland iyo SSC.

Golaha Musharrixiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Dec 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto SSC, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharrixiinta Mucaaridka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC.

Golaha Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay Habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland doorashadii Dec 2018.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

FB_IMG_1703445384362.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1703445388146.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo caddeeyay Mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this