Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wakiillada Somaliland oo ansixiyay xeerka ciidanka qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Xeerka Ciudanka Qaranka

Hargeysa(Qaran news)-Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyay xeerka Ciidanka Qaranka kaasi oo mudooyinkii u danbeeyay ay kujireen ka doodistiisa iyo faaqidaadiisa, waxaana ka soo qayb galay fadhigan lagu ansixinayay Xeerka Ciidanka Qaranka 45 Xildhibaan.

Fadhigii saaka ee golaha Wakiillada Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha Golahaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa mudanayaasha golahaasi ku ansixiyeen xeer aad muhiim ugu ah Ciidanka Qaranka, kaasi oo laga dhur sugayay muddo aad u badan in ay yeeshaan Ciidanka Qaranku xeer iyaga u gaar ah oo lagu maamulo.

Markii fadhigaasi furmaya ayaa waxa mudanayaasha uga warbixiyay xeerka Ciidanka Qaranka Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ah gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha oo gacanta ku hayay Xeerkan, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada uu xeerkani u leeyahay Ciidanka Qaranka, waxa kale oo uu Xildhibaanku is dul taagay meelaha ugu muhiimsan Xeerkan iyo soo jeedimihii Xildhibaanada ee ku aadanaa Xeerkan.
Intaasi ka dib gudoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon ayaa cod galiyay Xeerka Ciidanka Qaranka codayntii ayaa waxa ay u dhacday sida tan.

Xildhibaannada ogolaaday ansixinta Xeerka Ciidanka Qaranka ayaa ahaa 41 Xildhibaan, halka aanay jirin Mudane diiday Xeerkan, Xeerka Ciidanka Qaranka ayaa waxa ka aamusay 3 Xildhibaan ansixintiisa

Guddoomiyuhuna muu codaynin, sidaasina waxaa ku ansaaxay Xeerka Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mudo aad u badan aan lahayn wax Xeer ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this