Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Doon gaadiid badan ka soo qaaday Dubai una socotay dekedda Hobyo oo gubatay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_6898.jpeg?fit=600%2C400&ssl=1

Hobyo (Caasimada Online) – Dab xooggan oo sababay inay basbeesho ayaa galabta ka kacay Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, taas oo u socotay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Doontaas ay siday badeeco gaadiidka yaryar ee raaxada u badan.

Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.

Wasiir Abshir ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan dabka qabsaday Doonta, balse waxaba aysan ka badbaadin hantidii saarnayd.

Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12-kii bishan kasoo baxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, waxayna u socotay dekadda magaalada Hobyo ee Galmudug.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontaasu gubato, waana la badbaadi waayey oo waxaa gubtay dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirtay bagaash iyo ku dhawaad 100 gaari.

Ganacsato badan oo degta Galmudug ayaa lahaa hantida gubatay, waxayna doonayeen in badeecada iyo gaadiidkaas ay kala soo degaan dekedda Hobyo oo hadda u shaqeysa si ku meel gaar ah.

Dekedda Hobyo ayaa la qorsheynayaa in dhawaan lagu bilaabo dhisme, waxaana dhawaan magaalada isugu tegay oo soo saxiixay madaxweynaha Galmudug iyo ganacsatada deegaanka, si bilowga sanadka cusub loo bilaabo dhismaha.

The post Xogta Doon gaadiid badan ka soo qaaday Dubai una socotay dekedda Hobyo oo gubatay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this