Sign in to follow this  
Deeq A.

Guurtida oo ka Dooday ka Faa’iidaysiga Tamarta Cadceeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guurtida oo ka Dooday ka Faa’iidaysiga Tamarta Cadceeda

Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahaas Md Siciid Jaamac Cali ayaa lagaga dooday sidii tamarta cadceeda looga faa’iidaysan lahaa ,loogana maarmi lahaa tamarta shidaalka ku shaqaysa.

Waxa ay sidoo kale xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland sheegeen in loo baahan yahay in laga hortago khatarta xadhkaha korontada iyo haama Gaasta cuntada lagu karsado.

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in adeegga korontada la gaadhsiiyo degmooyinka iyo tuulooyinka dalka,si dadka degmooyinka iyo tuulooyinka dalka ku nooli ay u helaan adeeg koronto oo jaban.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxa ay codsadeen in loo yeedho mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland iyo shirkadda Korontada ee sompower,si wax looga weydiiyo adeegga korontada dalka iyo sidii ay bulshadu u heli lahayd koronto jaban.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this