Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad badeedda Soomaalida oo markab labaad ku afduubtay xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaadhaya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha budhcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weerar cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl.

Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo budhcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baadhitaano.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha budhcadbadeeda Soomaalida.

Tani ayaa sii kordhineysa werwerka laga qabo in budhcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba toddobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala tagay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul gobolleedka Puntland.

Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaana laga  leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay.

Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku saabsan weerarada budhcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego.

Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sanno, taas oo kasoo bilaabaneyso sannadkii 2017-kii oo lagaga adkaaday budhcadbadeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this