Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Xidhay Wiil Dhallinyaro Ah Oo Caan Ku Ah Ka Shaqaynta Nabadda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa Hargeysa ku xidhay Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Caddaani, kaas oo ka mid ah Dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa nabadda iyo horumarka gobollada bari ee Somaliland.

Maxamed Caddaani ayaa xalay ka qayb-galay shir ay qabsadeen dhalinyaradda iyo aqoonyahanka beesha Habar-jeclo kaas oo lagu taageerayay go’aamadii ka soo baxay shirkii madaxdhaqameedka beelaha Habar-jeclo ee dhawaan ka qabsoomay magaalada Burco.

Abwaan oo ka hadlay xadhiga Maxamed Caddaani ayaa xukuumadda ugu baaqay in xorriyadiisa dib loogun soo celiyo waxaanu yidhi

“Duullaankii nabadda lagu diidanaa caawa.

Markii aan soo dhammaystay hadalkii madashii caawa waxa aan kadinka kula kulanay gacanqaad  la soo abaabulay anniga iyo dhalinyaro dhawr ah oo uu ka mid yahay Maxamed Caddaani. Ugu dambayn waxa ciidanku xidheen Maxamed Caddaani halka wiilashii duullaanka ahaa aan cidi isweydiin.

Xukuumadda nabadda cuqdada ka qaaday waxaan leeyahay ninkaas xorriyaddiisa ha loo soo celiyo, inta aanaan xaqiiqada iyo cidda falkaas ka dambaysay aanaan Bulshada la wadaagin.

Maxamed Caddaani waxaan leeyahay waan kugu hambalyaynayaa in adiga oo labaatan jir ah sammaddoonimo laguu xidhay laguuguna gacan qaaday.”

Capture.png

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this