Sign in to follow this  
Deeq A.

Warsidaha Le Figaro Magazine oo Warbixin Dheer ka Qortay Somaliland sida ay isu bixisay iyadoo aan la Aqoonsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsidaha Le Figaro Magazine oo Warbixin Dheer ka Qortay Somaliland sida ay isu bixisay iyadoo aan la Aqoonsan

Warsidaha Le Figaro Magazine oo warbixin ka Qoray Siday Somaliland isu Bixisay Aqoonsi la’aan

Hargeysa(Qaran news)-Wargeyska caanka ah ee Le Figaro Magazine ayaa warbixin dheer oo uu dhawaan daabacay kaga hadlay horumarka Nabadgelyada, Ganacsiga iyo Dimuqraadiyadda ee ay Jamhuuriyadda Somaliland u hirgalay 32kii sannadood ee la soo dhaafay, iyadoo aan haysan aqoonsi caalami.
Suxufi ka tirsan Wargeyskaas caanka ah ee Le Figaro, ayaa booqday magaalooyinka Hargeysa, magaalada dekedda ah ee Berbera iyo Burco, waxaanu u kuurgalay ganacsiga, horumarka iyo xasiloonida buuxda ee ay Somaliland kaga duwan tahay tahay Soomaaliya oo ay warbixintu tilmaantay inay xuddun u noqotay nabadgelyo darro iyo kooxaha argagixisada ah.
Warsiduhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha bulshada Somaliland ay ku tiirsan tahay ay Boqolkiiba Toddobaatan yihiin Xoolaha nool, waxaanu xusay in moosinka xajka oo kaliya ay dekedda Berbera ka dhoofaan xoolo gaadhaya saddex milyan oo neef oo adhi ahi, kuwaasi oo loo iibgeeyo Boqortooyada Sucuudiga.

Le Figaro Magazine wuxuu sharraxaad ka bixiyay in Somaliland oo ah dal aan la aqoonsani, haddana uu is bixiyay oo uu samaystay dawladnimadiisa gaarka ah oo ay leeyihiin Calan, cumlad iyo ganacsi oo ay dimuqraadiyad ka hirgeliyeen mandaqad qalalaase joogto ahi ka jiro.

Wargeysku wuxuu sheegay in bogcada istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallaa, sababtay inay masaalix ganacsi dalalka adduunka qaarkood la yeeshaan Somaliland, gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo dekedda Berbera ku maalgelinaya dhaqaale ka badan 500 oo Milyan oo Doolar.
Waxa kaloo uu tilmaamay in Somaliland oo uu Ingiriisku xukumi jiray ay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1960kii, kadibna ay la midowday Soomaaliya. Waxaanay sheegeen in Somaliland ku doodo in xudduudaha dalalku lagu salleeyo sidii uu gumaystuhu uga tagay.

Suxufiga ka socday Le Figaro Magazine wuxuu la kulmay Ergayga wadahadallada u qaabilsan Somaliland Drs. Edna Aadan, waxaanay u sheegtay in aanay ka werwerin joogitaankooda Somaliland oo ah mid nabdoon oo xasilooniyi ka jirto.
Warsidahaasi wuxuu iftiimiyay in dagaalada bariga Sool ka socda oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyo qabaa’il iyo kooxo argagixiso ahi ay doonayaan inay mijo xaabiyaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah xuddunta nabadda ee mandaqada Geeska Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this