Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbiyay safiirka UK

Recommended Posts

Deeq A.   
Michael-Nithavrianakis-2.jpeg?fit=960%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda SSC-Khaatuma ayaa dacwad ka gudbiyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, kaas oo ay u jeediyeen eedeymo culus.

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 10 Mudane, ayaa waxa ay kala yihii:- 1-Senator Cabdullahi Xirsi Timacadde 2-Xildhibaan Sahro Cabdullahi Cigaal 3-Xildhibaan Cabdullahi Xasan Rooble 4-Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir 5-Xildhibaan Cabdullahi Warsame Bidhaan 6-Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Kayse 7-Xildhibaan Cabdullahi Ibraahim Warsame 8-Xildhibaan Farxiyo Yuusuf Cumar 9-Xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed 10-Senator Samiiro Xaaji Maxamed.

Warqadda ay soo saareen oo ku qoran Engelishka ayaa waxa ay socod siiyeen wakiilada kale ee beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xubnaha laga soo doorto SSC-Khaatuma ayaa danjire Michael Nithavrianakis ku eedeeyayinuu faragelin ku hayo arrimaha SSC, uuna kasoo horjeedo rabitaanka dadkeeda.

Mudanayaasha soo saaray qoraalkan cabashada ah waxa ay tilmaameen in safiirku si gaar ah u bartilmaameedsanayo deegaanadooda, uuna taageerayo Somaliland, sidoo kale uu ixtiraami waayey diblumaasiyadda iyo xeerarka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Danjiruhu wuxuu si bareer ah u jebiyey u hoggaansanaanta heshiiska Vienna Qodobka 41-aad – oo odhanaya “Waxaa ku waajib ah qofka xasaanadda iyo mudnaanta helaya inuu ixtiraamo shuruucda dawladda soo dhoweysay, sidoo kale waxaa ku waajib ah in aysan faragelin arrimaha gobolkaas”. Iyadoo la tixraacayo heshiiska Vienna; Qodobka 41-aad, waa in la joojiyo jebinta dublamaasiyadeed ee Safiirka Ingiriiska Mr. Michael Nithavrianakis uu ku hayo gobollada SSC-Khaatumo,” ayay yirahaadeen xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda SSC.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu xad-gudub sameeyay, uuna ixtiraami waayay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaama SSC ay kamid tahay dowladda dhexe.

In dhowaanahaan ayaa waxaa taagnaa arrintan, kadib markii hoggaanka sare ee SSC uu eedeeyay dowladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay aaminsan tahay in aan wax maamul kale ah laga samayn karin xaduudkii ay iyadu horay u jeexday, xilligii gumeystaha.

 

20231223638389015199330154.jpg?resize=66

The post Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbiyay safiirka UK appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this