Sign in to follow this  
Deeq A.

Doonni ganacsi oo mar kale lagu af-duubtay xeebta degmada Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   
doo-1.jpg?resize=623%2C393&ssl=1

Doon ganacsi ayaa mar kale burcad hubaysan ka af-duubteen nawaaxiga xeebta degmada Eyl ee badweynta Hindiya.

Hay’adda ganacsiga badaha u qaabilsan dowladda Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa jimcihii shaacisay in doonni ganacsi lagu af-duubtay xeebta degmada Eyl.

Qoraal ka soo baxay hay’adda ayay ku sheegtay in ay heshay macluumaad ku saabsan in koox aad u hubaysan doonni ganacsi ku af-duubteen nawaaxiga xeebta Eyl.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ay weli baaritaan ku hayso dhacdada balse faahfaahin dheeri ah kama bixin doonta la af-duubtay.

Falalka burcad-badeedda ayaa muddooyinkii danbe ku soo laabtay xeebaha Soomaaliya waxaana todobaadyo ka hor doonni lagu af-duubtay xeebta Eyl inkastoo markii danbe la sii daayay.

20231223638388920233114778.jpg?resize=62

PUNTLAND POST

The post Doonni ganacsi oo mar kale lagu af-duubtay xeebta degmada Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this